Fanaanka Cabdulqaadir Juba oo la ilmeeyay dhibka Soomaalida ku haysta meel walbo(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Fanaanka Cabdulqaadir Juba oo la ilmeeyay dhibka Soomaalida ku haysta meel walbo(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed ee caanka ee Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA ayaa waxaa la sheegay inuu la ilmeeyey dilalaka joogtada ah iyo guud ahaan dhibaatada baaxada weyn ah ee haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada.



Fanaanka caanka ah ee Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA oo dhawaantaan kaga qeybgalay magaalada Toronto ee dalka Canada aaska ama duugida lagu aasaayey wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Yuusauf Xasan Tifoow (AUN) oo 16 sano jir ahaa oo dhawaantaan lagu dilay magaalada Toronto ayaa hadal kooban oo uu fanaanka Cabdulqaadir JUBA ka jeediyey goobtaas waxaa uu sheegay asaga oo ay indhihiisu ilmada ka qubaneyso inay dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan midnimadooda asagoona sheegay inay ka fogaadaan qabiilka oo uu sheegay inuu yahay mid curyaamiyey guud ahaan dadka Soomaaliyeed, Wiilkaan naga dhintey marka warbaahinta laga sheegaayey waxaa lagu sheegay inuu yahay SOOMAALI oo lama dhihin waa qabiil hebel ayuu yiri fanaan Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA asaga oo ay indhihiisu ay ilmada ka qubanayso.

Ugu dambeyntiina iyadoo Fanaanka Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA uu ku tilmaamay wax laga xumaado inuu dalka Canada uu noqdo qabuuraha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa uu arintaas masuuliyadeeda uu dusha uga tuurey kala qeybsanaanta ku saleysan qabiilka ee ka jirta jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Canada, asagoona sheegay inay tahay wax laga xumaado inay maalin walba wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed inay keenaan qabuuraha islamarkaana laga aamuso oo aysan cidna isweydiin, Fanaanka Cabdulqaadir Juba ayaa sheegay inaysan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Canada aysan dhibaatada ka baxaynin inta ay ka dhex jirto kala qeybsanaanta qabiilka oo aan lagu mideysnayn jaaliyad qura oo Soomaali oo dhan ka dhaxeysa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada