Habaar iyo inkaar ebid tii ugu darneeyd oo Al Shabaab ka dhex dilaacday & Ajaanibtii oo wadnaha farta ku haya (Daawo Dilkii Ibrahim Afghan+Warbixin)

Habaar iyo inkaar ebid tii ugu darneeyd oo Al Shabaab ka dhex dilaacday & Ajaanibtii oo wadnaha farta ku haya (Daawo Dilkii Ibrahim Afghan+Warbixin)

daajis.com:-Waxaa iminka xaqiiqo noqday oo laga yaaban yahay Habaarkii Masaajido badan oo gudaha Soomaaliya ku yaala loogu geesan jiray madaxda ugu sareeysa ururka Al Shabaab kuwaas oo salaad kaste ka dib lagu habaari jiray inuu ilaaheey umada ka qabto waliba dhexdooda isku ciqaabo. 


Sanado yar ka hor madaxda ugu sareeysa xarakada Al Shabaab waxa ay gaaleeysiin jireen cid alaale iyo cidii ka hor timaada fikradaha aanan horay loo maqal loona arag oo ay aaminsan yihiin balse hada sheekada ugu yaabka badan ee ka dhex aloosan ururka Al Shabaab ayaa waxeey noqotay in ay dhexdooda isku Jihaadaan . 

Ajaanibtii u soo gurmatay ururka Al Shabaab xiligii ay dagaalada ku jireen ayaa iminka wadnaha farta ku haya ka dib markii qaar ka mid ah ragaan oo dalalkooda ka soo baxsaday ay u gacan galeen Amiirka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane oo ka dhigay mid uu dilo mid uu xiro iyo mid cabsi darteed hoowdka u baxsado. 

Inkaarta Al Shabaab dhexdooda ka dhex dilaacday ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay ama ka timaaday waalidiin fara badan oo caruurtooda ku waayay Qaraxyo ay geesteen maleeshiyaadka Al Shabaab waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in Al Shabaab mar kasta laga habaaro Masaajido aad u fara badan oo gudaha iyo dibada dalka ku yaala. 

Jihaadkii Al Shabaab oo xoogiisa iminka ka socda dhexdooda waxaa la yaab noqotay in rag caan ka ahaa ururkaan ay baxsad yihiin halka qaarkood ay yeesheen 3 cadow kuwaas oo kala ah Axmed Godane, dhanka dowlada iyo Mareeykanka oo hawada sare ka ugaarsanaya. 

Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa xiliyadii hore moowqif ahaan taageersanaan jiray ururka Al Shabaab balse hada taageeradii iyo kalsoonidii loo hayay ayaa sidatan ku soo aruurtay (85% shacabka Soomaaliyeed shabaab lama tusi karo oo lama maqashiin karo , 5% shabaab ayay weli taageersan yihiin , halka 10% aysan kala jecleen cidii maamusha ama awooda dalka la wareegta) . 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada