Bashar Al Asad oo kaarto cusub u is ticmaalay Mareeykanka & Caalamka oo weerar ku soo ahaa (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Bashar Al Asad oo kaarto cusub u is ticmaalay Mareeykanka & Caalamka oo weerar ku soo ahaa (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

daajis.com:-Mareeykanka iyo wadamada Caalamka ugu awooda badan ayaa maalmahaan dambe waxa ay qorsheenayeen in la weeraro Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al Asad oo loo heesto in uu shacabka dalkiisa u is ticmaalay hubka qatarta ah ee loo yaqaan kiikamada kaas oo qofkii lagu duqeeya neefta ku xirmeeyso. 


Bashar Asad ayaa markii uu arkay in wadamo badan oo caalamka quwad Milatari ku leh ay u dhaaranayaan ayaa iminka waxa uu sheegay in hubka Kiimikada ah ee u harsan uu gacanta u galin doono ama farta ka saari doono dalka Ruushka oo ka mid ah wadamada dhex dhexaadinaya Mareeykanka iyo xulafadiisa oo dhinac ah iyo dowlada dalka Syria. 

Qaramada Midoobay ayaa arintaan cusub ku qanacday balse waxaa la yaab ah Bashar Al Asad oo kaarto cajiib ah isticmaalay ka dib markii hubkiisa qatarta ah uu sheegay inuu u dhiibanayo dalka Ruushka oo si weeyn u taageera madaxweeyne Bashar Al Asad. 

Madaxweeyne Bashar Al Asad oo ka cabsanaya in awoodiisa Milatari la wiiqo wuxuu sidaas kaga bad baaday dagaal cir iyo dhul ah oo ku soo wajahnaa balse waxaa arin laga xumaado noqotay madaxweeyne Bashar Al Asad oo intii uu socday heshiiskaan cusub Diyaarado dagaal ku weeraray Isbitaalka magaalada Aleppo oo ay ku jiraan dad badan oo maras ah . 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada