Qodobada soo socda haddii aan laga hortagin Ammaanka Muqdisho mahagaagi doono.

Qodobada soo socda haddii aan laga hortagin Ammaanka Muqdisho mahagaagi doono.

daajis.com:-Magaalladda Muqdisho oo iminka kasii bogsaneysa Khasaarihii 22-Sano soo gaaray, ayaa waxaa haddana muuqda Duleelo aan suura galin Karin in Ammaanka Muqdisho uu hagaago.

Haddaba waxan halkaani kusoo bandhigayaa Dhowr qodob oo lid ku ah Ammaanka Magaalladda Muqdisho isla markaana aan suura galin-karin in Muqdisho ay hesho Ammaan lagu kalsoon yahay waxaana kamid ah:-

1- Magaalladda Muqdisho waxaa is dhex-yaacaya gawaari Muraayado cad iyo kuwo leh Muyaarado madoow haba ugu badnaaden kuwa Muyaaradaha madoow oo inta badan sababa Ammaan dari dhanka Ammaanka ah, waxaana looga bad-baadi karaa in laga taqluusiyo gabi ahaan gawaarida Muraayadaha Madow markii laga reebo kuwa ay saran yihiin Madaxda Dowladda IWM.

2- In laga taqluusiyo dhaqamada ay wataan Ciiddamadda qaar sida, kuwa aan wadan dareeska Ciiddamadda, kuwa xiliyada Qaar geysta dhaca iyo weliba kuwa aan daryeelin bulshada ee xiliyada murugeysan iska fura rasaasaha aan loom eel-dayin, taasina waxa ay soo dedejineysaa Ammaan dari aan sababteeda lagaran Karin.

3- In meesha laga saaro Awoodaha qaar ay Ciiddamadda u adeegsanayaan Shacbiga aan qeybta ka aheyn Kooxaha is heysta sida Dowladda,Xoogaga Alshabaab IWM.

4- In meesha laga saaro Shaqsiyaadka aan ku jirin Dowladda ee isticmaala Awoodaha Dowladda isla markaana wata Ciiddamadda aan hoostagin Dowladda, taasi oo inta badan aafada ay geysatay laga Ogyahay Dalka Somalia 

5- In Xukuumadda ay xakameyso Gaadiidka si looga hortago wax waliba ee qalqal galin-kara Ammaanka.

6- In Dowladda ay ka adkaataa Ciiddamadeeda si shacbiga ay u Ogaadan inay leeyihiin xuriyado gaar ah, waxaana xiliyada qaar aad arkeysaa Askari aan moodin in shacbiga ay yihiin kuwa nool waxa uuna ula dhaqmaaya sida xoolo aan laheyn ixtiraam, taasoo meesha ka saareysa xiriirka shacbiga iyo Dowladda.

7- Wax ka bedelka Daryeelida xumida heysata Ciiddamadda waxa ay saro qaadeysaa Hamiga iyo hanaanka Ciiddamadda.

8- Qodobka ugu dambeeya waxaa Xukuumadda looga baahan yahay horumarinta Ciiddamadda Dalka si ay u garwaaqsadaan sugida ammaanka iyo kaalimaha kaga aadan dalkooda, taasoo ah mida kaliyah ee looga gudbikaro dhibaatooyinka xiliyada qaar shacbiga uga imaankaro dhanka Ciiddamadda Dowladda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada