Halkee dawlada Syria ka heshay hubka kiimikada ah?

Halkee dawlada Syria ka heshay hubka kiimikada ah?

daajis.com:-Xog uu baahiyay wargeyska Daily Mail ayaa lagu sheegay in shirkaddo Ingiriis ah ay dawlada Suuriya ka iibiyeen hub ay ku jiraan walxo kiimika ah gaar ahaan suntan Siiriinka la yiraahdo oo halis ah.

Wargeysku waxaa uu leeyahay xogta uu helay ayaa muujinaysa in hubka hadda lagu eedeenayo dawlada Syria inay u adeegsatay dadka rayidka ah inuu yahay kii ay ka heshay shirakada hoos taga dawlada Ingiriiska Intii u dhaxaysay bilihii July sanadkii 2004 iyo May 2010 waxaa la xaqiijiyay in Ingiriisku uu dawlada Syria aad ugu dal dalay hub ay ku jiraan walxo kiimikaal kuwaasoo qaarna uu ka iibsaday qaarna uu ugu deeqay.

Wargeyska Daily Mail waxaa uu ku waramayaa in xogtaan oo uu k helay dawlada Ingiriiska ayaa waxaa ay muujinaysaa in hubka ay ku jiraan gaaska Siiriinka la yiraahdo uu aad ugu badan yahay keydadka dawlada uu M/weynaha ka yahay Bishar Al-Asad.

Waliba warbixintu waxaa lagu sheegay in hubkaan dawlada Syria laga iibiyay xilli Q,M ay aad uga doodaysay arrimaha ku saabsan hubka kiimikada ah ee dunnida ku badanaya.

Thomas Docherty oo ka tirsan guddiga la socoshada hubka ay dawlada Ingiriiska ay dibbadda u dhoofiso ayaa sheekadaan mid qaribaysa sumcada Britain waxaana uu yiri waa in baaris buuxda lagu sameeya.

Sargaal hore oo sirdoonka Britain Ka tirsan ayaa aaminsan in Bishar Al-Asad uu willi haysto hub kale oo kan ka halis badan Maraykanku waxaa uu sheegay in haddii ay dhacdo in loo ogolaado in Syria uu ku duulo ay ku soo afjari doonaan muddo sadex cisho ah.


Warkaan waxaa laga soo xigratay wasaardda difaaca Maraykanka ee The Pentagon ka la yiraaho Dhanka kale diblomaasi u dhashay dalka Iran ayaa sheegay in haddii Maraykanka uu ku duulo Syria in la qafaalan doono gabadha uu Obama dhalay kadibna la kufsan doono.

Diblomaasigaan waxaa uu yiri “Qoyska Obama waa inay arrintaan ka digtoonaadaan”



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada