Qiso Cajiib ah Mudana In Lagu Cibro Qaato Iyo Ninkii Taksiilaha Ahaa Ee U Sheekeeyay Sheekha.!!

Qiso Cajiib ah Mudana In Lagu Cibro Qaato Iyo Ninkii Taksiilaha Ahaa Ee U Sheekeeyay Sheekha.!!

daajis.com:-Nin Taxsiile ayaa Ooga Sheekeeyey Nin Sheekh ah, Taxsiilihii wuxuu yiri:- Afar Dhalinyaro ah ayaan ka soo qaaday Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga, waxayna doonayeen inay Dhalinyaradu tagaan Magaalo kale oo la yiraahdo Dammaam, intaan Jidka ku jirnay ayaa Salaadii Casar la Aadaamay, waxaan Helnay meel Batroolka laga qaato oo Wadada Qarkeeda ah, Masjidna ku yaalo.

Taxsiilihii ayaa Dhalinyaradii ku yiri:- soo Dega aan Tukanee.

Midkii Shirka Fadhiyay oo kan ugu wayn ahaa ayaa u jawaabay oo ku yiri intuu kuwii kale Eegay:- Adiga soo Tuko, Anaga ma Tukaneyno, Gaariga ayaan kugu Sugeynaa, Taksiilihii intuu yaabay oo wax uu Sheego Garan waayay ayuu yiri:- Walaalayaalow Salaada hadaad Tukan weyseen maxay Islaanimadeenu tareysaa?,

Taxsiilahu wuxuu yiri Aniga Qof caadi baan ahay Diinta wax yar uun baan ka Aqaan, markaasuu isla kii hore ee ii jawaabay markaan sidaa iri uu Xoogaa Xishooday. markaasuu kuwii kale ku yiri:- Soo baxa aan Tukane, Waan Degnay buu yiri Taksiilihii, markaan Weyseesanay ayaan Salaadii galnay Anigaa ayaana u noqday Immaam, Casarkii mar hore ayuu Immaamku Tujiyey, markaan Salaadii Dhameynay.

Wiilkii Madaxda u ahaa ee Dhahayey Anaga ma Tukaneyno uu Sujuudii ka soo kici waayey, Xoogaa ayaan Sugnay Wiilashii xataa way la yaabeen, weyna ku Kaftamaayeen Sujuudaa uu ku Dheeraday, laakiin markii Dambe waxay Ogaadeen in tii Alle u timid, Iscaafkii markii loogu yeeray ayuu Xaqiijiyey inuu Dhintay.

Haddaba, Wiil Wiilsha ka mid ahaa ayaa la Samirsiin waayey Oohintiisa markii la yiri Addunyadan Marti ayaa lagu yahay, waana ka wada tageynaa. ka dib ayaa la weydiiyey Wiilkii oo la yiri:- Maxaa isku tihiin? wuxuu yiri:- Waa Walaalkey, wuxuuna intaasi raaciyey Dhimashadiisa lama Oyanaayo ee waxaan la Oynayaa Aniga iyo Walaalkeey 15sanno Salaad ma aanan Tukan, Raxmada Illaahey ku Manaystay Walaalkeey ayaan la Fajacay Caasinimadeenii iyo siduu Illaahey Walaalkeey ugu Nimceeyay.

(ILAAHOOW KHAATUMADEENA NOO HAGAAJI, YAA RABBI).
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada