Howard Webb Oo Garsoori Doona Kulanka Manchester Derby Ee City Iyo United.

Howard Webb Oo Garsoori Doona Kulanka Manchester Derby Ee City Iyo United.

daajis.com:-Howard Webb ayaa loo magacaabay garsooraha qaban doona kulanka axada ee Premier League ee dhexmari doona kooxaha Manchester City iyo Manchester United. Garsoorahan oo si weyn loogu texgeliyo inuu ka mid yahay garsoorayaasha ugu fiican Ingariiska ayaana qaban doona kulankii ugu horeeyay ee Manchester derby ee xilli ciyaareedkan Premier League. 

Webb oo 42 sanno jir ah ayaa lagu sharfay inuu qabto finalkii 2010 ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeyay Spain iyo Netherlands, laakiin waxaa lagu eedeeyay go’aankii uusan casaan ku siinin Nigel de Jong markii uu haraati xabadka ka geliyay Xabi Alonso.


Sidoo kale xiddigii hore ee Liverpool Ryan Babel ayaa ku eedeeyay garsoore Webb hada ka hor inuu u xagliyo United markii uu  Twitter-kiisa soo dhigay sawir la sameeyay uu Webb wato maaliyada United, waxaana Babel oo xilligaas Reds joogay uu talaabadaas ku muteystay ganaax lacageed oo FA-ga ay ka qaadeen. Si kastaba, Webb ayaa weli ka mid ah garsoorayaasha laga ixtiraamo kubada cagta, waxaana haatan loo doortay inuu dhex dhexaadiyo kulanka ay iska horimaanayaan kooxaha Manuel Pellegrini iyo David Moyes.

City ayaa haatan ku jirta kaalinta 4aad ee Premier League iyadoo 7 dhibcood ka helay 4tii kulan ee ay ciyaareen, halka United ay iyadana la mid tahay marka laga reebo inay farqiga goolasha ka fiican yihiin deriskooda.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada