Sami Hyypia: Cadaadis Nama Saarna Waxa Uu Saaran Yahay Manchester United.

Sami Hyypia: Cadaadis Nama Saarna Waxa Uu Saaran Yahay Manchester United.

daajis.com:-Tababaraha Bayer Leverkusen Sami Hyypia ayaa sheegay inuu cadaadiska saraan yahay Manchester United isagoo u diyaarinaya kooxdiisa kulanka ay Old Trafford ku ciyaarayaan habeen danbe. Daafacihii hore ee Liverpool ayaa qibrad weyn u leh Champions League waqtigiisii Anfield, laakiin waxa uu markii ugu horeysay isagoo macalin ah kooxdiisa u wadayaa Champions League marka Bayer Leverkusen ay wajaheyso Man United.


39 jirkaan ayaana qirtay in Leverkusen aan laga filaneynin natiijo weyn balse kooxda David Moyes wax weyn laga filnayo taasoo ka dhigeysa mid cadaadis saareysa Red Devils. “Xaqiiqdii waxaan kulankaan ku galeynaa anagoo degan” ayuu xiddigii hore ee Liverpool ku sheegay shir jaraa’id. 

“Hubaashii cadaadiska waxa uu saaran yahay Manchester United.” Si kastaba, Hyypia ayaa doonaya inuu Man United ku murjiyo minankeeda, islamarkaana ay kooxdiisa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigto. 

“Waxaana rajeynayaa inaan awoodeena ku soo bandhigno garoonka, islamarkaana wax la xisaabi karo kala soo laabano” ayuu hadalkiisa raaciyay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada