Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad qiimo badan ka jeediyay shir ka furmay Magaalada Dubai (Daawo Sawirada)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad qiimo badan ka jeediyay shir ka furmay Magaalada Dubai (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed ee ka furmay magaaladda Dubai ee Isu taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirka looga hadlayo arrimaha burcad badeedka, isagoo cadeeyay in dowladdiisa ay kala shaqeyneyso caalamka ammaanka xeebaha.

"Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda ay leedahay"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

"Dowladda Soomaaliya diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo kuwa kalaba" ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkan oo si gaar ah looga hadlayo sanadkan ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta, ayaa Madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad badeeda yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug C/raxmaan Faroole iyo Cabdi Qeybdiid, kuwaasoo dowladda Imaaraadka Carabta ku casuuntay shirka, maadaama deegaanada ay maamulaan ay ka jiraan falalka burcad badeedka.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxaa uu kala hadlay xiirirka labada dal.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada