Sheeko qosol Badan: Labo Gabdhood oo xawaalad dhexdeeda ku ogaaday in leesla qabo kadib maxaa dhacay

Sheeko qosol Badan: Labo Gabdhood oo xawaalad dhexdeeda ku ogaaday in leesla qabo kadib maxaa dhacay

daajis.com:-Wiil ayaa waxa uu ku noolaa dalka kenya gaar ahaan nairobi waxa uu halkaa ka bartay gabar somali ah oo Qurux badan waxayna usocotay dalka maraykanka gabartii way sheekeeysteen waxayna ku hishiiyeen inay is guursadaan kadib Waa ay aqal galeen gabartii waxay baxday maraykan Gobol kamid ah ayay gashay bilo kadib waxay bilowday gabartii inay wiilka lacag u qorto bil kasta lacag ayay usoo diri jirtay kadib gabar kale ayuu bartay wiilkii oo iyana usocota dalka maraykanka iyana sidii oo kale Waa uu mehersaday way baxday.

Iyaduna ilaahay amarkii waxay tagtay gobolkii ay joogtay xaaskiisa kale waxaana meesha ku yaal Hal xawaalad wax SOMALI leedahay meesha ayeyna aad ugu yar yihiin Soomaalidu qofkii qof Somali arka waa uu ku dhagaa jacayl dartii.

Malin maalmaha kamid ah ayaa labadii gabdhood Hal mar soo wada galeen xawaalada waana la isa salamay abaayo Somali maa tahay haa ana sidoo kale goormee timid hada mudo sanad wan joogay yaa dhex martay.

Salaan kadib gabartii
markay lacagta direysay ayay maqashay magaca ninkeeda oo sadexan oo gabartani ku direyso lacagta waxayna tiri abaayo wiilkan aad lacagta u direyso waayo maxaadse isku tihiin

Gabartii ayaa tiri Waa ninkeyga, talo faraha ayay ka baxday timahaa la isku dhagay anba Waa ninkeyga ayaa ka dhacday

kadib Waa hishiiyeen labadii gabdhood waxayna u hishiiyeen ninkii isku mar ayay soo waceen xariifkaan oo islii qaad u fadhiyo waxaana la yiri labadeenuba waan ku furnay macalinka ee magalada iska dhici.

Nuxurka Sheekadan:Wax yar oo aad iimaansato ayaa kaaga wanaagsan wax badan oo aad kuwada qasaarto.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada