Madaxweyne Xasan Shiikh oo qirtay arin aad looga yaabey ……

Madaxweyne Xasan Shiikh oo qirtay arin aad looga yaabey ……

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Xili Shalay shir looga hadlaayay xagjirnimada ayuu sheegay in dowladiisa muddada sannadka ay jirtay wax yabaha ugu badan ee caqabadaha la kulantay ay ka mid tahay in la sii daayo xubnaha Al-Shabaab ee dowladdu soo qabato.


Sii deynta maxaabiista Al-Shabaab oo qaarkood lacag badan lagu qaato, ayaa ahayd mid in muddo ah lagu xamanayey dowladda Somalia.

Madaxweynaha ayaa qiray in dhowr jeer dowladda u yimaaden xubno ka tirsan dowladda oo xildhiibaanno leh, wasiiro leh, waxgarad leh, iyo culimaa’udiin kuwaasoo raba in la soo daayo dhallinyaro Shabaab ah oo dowladda ay soo qabatay.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay in laga rabo culimada ku shireysa Muqdisho in ay soo saarto fikir loo dhan yahay oo lala tacaamulo kooxaha xagjirka ee Shabaabka ku jira iyo sida loola dhaqmaayo marka ay dowladda soo qabato.

Si kastaba,hadalka madaxweynaha ayaa caddeen u ah, in dowladda ay sii deeyo xubnaha Al-Shabaab ee lagu soo qabto howlgadala laga sameeyo magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer ayaa dowladda lagu eedeeyay in xabsiyadaha ka sii deeyo xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo qaarkood dilal ama qaraxyo fuliyay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada