Coentrao Oo Aan Shalaay Ka Qabin Heshiiskii Burburay Ee Man Utd: Waxaan La Joogaa Kooxda Adduunka Ugu Fiican.

Coentrao Oo Aan Shalaay Ka Qabin Heshiiskii Burburay Ee Man Utd: Waxaan La Joogaa Kooxda Adduunka Ugu Fiican.

daajis.com:-Fabio Coentrao ayaan wax qoomamo ah ka qabin heshiiskii amaahda ee burburay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga uu ugu biiri lahaa Manchester United, sababtoo ah waxa uu yiri waxaan la joogaa kooxda ugu fiican adduunka.

Daafaca bidix ee Real Madrid ayaa waxaa dalab soo daahay oo amaah aheyd ka soo gudbisay kooxda heysata horyaalka Ingariiska Isniintii hore, kaliyana heshiiska ayaa dhaqangeli waayay.
Coentrao oo 25 sanno jir ah ayaa ku faraxsan inuu baaqi ku sii ahaado Bernabeu.
Waxa uu yiri: “Waxaa jirtay suurtogalnimo aan ugu biiri lahaa Manchester United, laakiin waxaan sii joogay Real Madrid, taas ayaana ah muhiimada.
“Wax xun ayay ahaan laheyd hadii aan sii joogi lahaa inkastoo aan fursad u heystay inaan u dhaqaaqo koox ka fiican kooxdaan, laakiin taasi ma aysan dhicin, madaama aan durbaba la joogo kooxda adduunka ugu fiican.
“Waxaan doonayaa inaan qabto shaqo ka fiican tii xilli ciyaareedkii hore, inkastoo aan durbaba heer sarre joogo.
“Waxaan doonayaa inaan qof walba tuso inaan u qalmo inaan joogo Real Madrid.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada