Mareykanka: Xamaami Weli Waan Doon Dooneynaa

Mareykanka: Xamaami Weli Waan Doon Dooneynaa

daajis.com:-Maraykanku waxay sheegtay in loo haysto Xamaami eedo la xidhidha argagixisada, sidaa daraadeedna uu weli doon doonayo. Hadalkan ayaa ka dambeeyey waraysi uu malaintii Talaadada ee toddobaadkan siiyey idaacadda VOA.

Warka kooban ee ay dowladda Mareykanka kaga jawaabtay hadalka Xamaami  ayaa lagu yiri Cumar  Shafik Xammami, waa  muwaadin u dhashay Mareykanka oo Somalia tagay isagoo ay ka go’oneyd inuu ku biiro ururka Al-shabab.

Waxaa uu ku eedeysanyahay inuu gacan weyn ka siiyay Al-shabab, oo uu Mareykanka u aqoonsanyahay argagixiso,  howlgaladii mulatary  iyo ololiha dacaayadaha kooxda ee dhinaca warbaahinta.

29kii Bishii July sanadkii  2011kii,  ayey dowladdda Mareykanka ku dartay Xamaami liiska dadka Marykanka u dhashay ee loo doon doonayo falalka argagixis, ee  marka la soo gaabiyo loo yaqaan SDN)

Qodobka sharci ee loo cuskanyo Liiskaasi ee tirsigiisu yahay  -13536- ayaa faraya in laga mamnuuco  oo laga xanibo  hantida,  shaqsiyaadka u dhashay mareykanka, ee macaamil maaliyadeed la sameeya, si toos ah iyo si aan toos aheynba – shaqsiyaadka ama hay’adaha falalkooda ay si toos ah halis ugu hayaan nabadda, iyo  xasiloonida  Somalia.

Mr. Xammami waxaa lagu daray liiskaasi shaqsiyaadka loo aqoonsaday inay halis ku yihiin nabadda Somalia, sida ku xussan qodob sharciyeedka mareykanka ee tirsigiisuyahay – 13536- iyo inuu sidoo kale taageeray ururka Al-shabab, oo sida ku xussan xeerka numbarkiisu yahay 13226- Mareykanku uu u aqoonsanyahay urur Argagixiso oo shisheeye.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka barnaamijkeeda – lacagta kubixiya soo qabashada dadka loo doo doonayo cadaaladda – ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (RFJ) ayaa lacag gaareysa 5 malyuun oo dollar dul dhigay madaxa Xamaami, taasoo abaal marin ahaan loo siinayo cidii soo sheegta war horseeda in la soo qabto Cumar Xamaami.

Warkan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu xussay aragtida safaaradaha mareykanka ee ku howlan isku duwidda wararka ku aadan soo qabashada ragga xamaami oo kale ah.

Waxaa lagu sheegay warbixintan in Xamaami uu yahay nin xeer beeg maxkamadeed oo Mareykan ah ay eedo ku soo oogeen, sidaa daraadeena mareykanku uu weli daneynayo, helista wararka ku aadan sidii loo soo qaban lahaa.

Warbixitan waxaa gebagabadii lagu yiri,

Wasaaradda Arimaha Dibadda waxey adeeg safaaradeed u fidisaa muwaadiniinta Mareykanka marka ay la soo xiriiraan safaaradahaasi,  waa hadii ay xaq u leeyihiin in adeegaasi loo qabto.

Hadii Xamaami uu nala soo xiriiro, waxaan u fidin doonaan caawimaadaas sida uu qabo  sharciga mareykanka iyo xeerarka u degsan.

xiggasho. voa

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada