Nin 10 sano 3 gabdhood guri ku kufsanayay oo xabsiga isku dhex marjiyay & Gurigiisana Katarabiil xaaqay(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Nin 10 sano 3 gabdhood guri ku kufsanayay oo xabsiga isku dhex marjiyay & Gurigiisana Katarabiil xaaqay(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Nin magaciisa lagu sheegay Ariel Castro oo 53 jir ah ayaa isku dhex marjiyay xabsi ku yaala magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareeykanka. Ninkaan oo dhawaan xabsi daa´in lagu xukumay wuxuu isku dal-dalay xabsiga dhexdiisa ka dib markii ay soo food saartay ceeb iyo fadeexo weyn 


Ariel Castro ayaa ku dhawaad mudo 10 sano ah waxa uu gurigiisa qeeybta ku taala dhulka hoostiisa ku soo xirtay 3 gabdhood oo lagu kala magacaabo Amanda Berry, Gina DeJesus iyo Michelle Knight . Gabdhahaan oo da´dooda lagu kala sheegay 14-jir, 16-jir iyo 20-jir wuxuu Ariel Castro kala afduubay intii u dhaxeeysay sanadihii 2002 iyo 2004 kaas oo maalin kasta kufsan jiray intii aanan laga soo fakin bishii May ee sanadkaan 2013-ka. 

Ninkaan ayaa mudadii uu kufsanayay dumarkaan waxa uu gabar yar si qasab ah uga dhalay haweeneeyda lagu magacaabo Amanda Berry oo ka mid eheed gabdhihii uu afduubtay. Gurigii Ariel Castro ayaa iminka dowlada Mareeykanka waxa ay ku dudumisay caga-cagaf kaas oo gebi ahaanba dhulka la dhigay. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada