Wasiirka gudaha Masar oo badbaaday

Wasiirka gudaha Masar oo badbaaday

daajis.com:-Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday wasiirka arrimaha gudaha oo marayay meel u dhaw gurigiisa.

Maxamad Ibraahin ayaa lagu soo warramayaa inuu ka badbaaday weerarkaas.
Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan sida uu u dhacay qaraxa lala beegsaday wasiirka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in baabuur lagu qarxiyay waddada uu marayay Maxamad Ibraahin.
Halka ay warar kalena sheegayaan in bambaano laga soo tuuray guri ka ag dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Isku day dil

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in boliisku dileen labo ka mid ah dadkii weerarka gaystay.
Waa isku daygii dil ee ugu horreyay ee lala beegsado mas'uul sare oo ka tirsan dowladda ay militerigu taageeraan ee Masar.
Militeriga Masar ayaa xilka ka tuuray madaxweynihii ugu horreyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto, Maxamad Mursi.
Taageerayaasha Mursi oo ay hormuud ka yihiin ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku gacanseyray tallaabadaas, waxayna dalkaas ka dhigayeen dibedbaxyo ballaaran.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada