Wiil yar oo 5 sano jir ah oo noqday qofkii ugu yaraa aduunka oo diyaarad duulin karo kaligis(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Wiil yar oo 5 sano jir ah oo noqday qofkii ugu yaraa aduunka oo diyaarad duulin karo kaligis(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Wiil yar oo 5 sano jir ah oo u dhashay dalkaas Shiinah ayaa waxaa la sheegay inuu noqday qofkii ugu yaraa aduunka oo diyaarad duulin karo kaligisss iyadoona y cidana caawineynin. 


Wiilkaan yar oo lagu magacaabo He Yide laguna naanayso Duoduo oo ah 5 sano jir islamarkaana u dhashay dalkaas Shiinaha ayaa dhawaantaan waxaa u suuro gashay inuu kaligiis duuliyo diyaarad islamarkaana uu ku damaashaada hawada magaalada Beijing ama Peking ee caasimada dalkaas Shiinaha wiilkaas ayaa waxaa la sheegay inuu hawada ku jirey mudo 35 daqiiqo ah asagoona kaligiis diyaaradaas waday oo aysana jirin xataa cid ku caawinaysay laakiin waxaa diyaarada la saarnaa duuliye kale oo dusha ka eegaayey sida uu wiilkaas yar u duulinaayey diyaaradaas, aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo He Liesheng oo asagu ah ninka wiilkiisaan siiyey fursada tababarka diyaarad wadida ayaa sheegay inuu wiilkiisa ku kalsoon yahay islamarkaana uu wiilku qaatey casharo duulinta diyaaradaha ah islamarkaana uu ka bixiyey lacagta basharadaas oo gaareysay dhowr kun oo doolar. 

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas yar uu noqonaayo kan ugu yar aduunka ee diyaarad duuliye ka noqda ayaa aabaha dhalay wiilkaas waxaa uu sheegay inuu xiriir la sameeyey buuga lagu qoro rikoorada aduunka ee loo yaqaano Guinness Book of Records si loogu diiwaan galiyo wiilkiisa rikoorkaan, Aabahaan oo lagu yaqaano xag jirnimo la xiriirta tababar culus oo uu siiyo wiilkiisa ayaa horaantii sanadkaan waxaa aduunka ka yaabiyey filim la soo dhigay barta Internetka oo ay ka muuqatey wiilkiisa oo qabow dartiis la ooynaaya oo barafka magaalada New York Push Up ku sameynaayo xili uu qabay matante ama kastuumo kaliya iyadoona uu dhacaayey qaboow aad iyo aad u xun arintaas oo keentay in qaar badan oo ka mid ah kuwa u dooda xaquuqda caruurta ay codsadeen in aabahaas laga qaado wiilkaas yar laakiinse arintaas ayaan suuro gal noqon. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada