Topnews:-Daawo Saxaafiyad Muqdisho lagu afduubtay oo sheegtay inay Wiil Habargidira dhashay

Topnews:-Daawo Saxaafiyad Muqdisho lagu afduubtay oo sheegtay inay Wiil Habargidira dhashay

daajis.com:-Saxaafiyadda Amanda Lindhout ee u dhalatay dalka Canada ayaa sheegtay inay dhashay Wiil Somalia oo ka soo jeeda qabiilka Habargidir ,sida ay sheegtay.

Amanda Lindhout iyadoo 24 sano Jirtay ayey Muqdisho ku afduubteen kooxo hubeeysan sanadkii 2008 hasse yeeshee galmo uu la sameeyay nin ka mida burcadii afduubatay ayey u dhashay wiil sida ay ku sheegtay Wareeysi muuqaala oo lagu daabacay Website-ka Dailymail 


Saxaafiyadda Amanda Lindhout oo sheegtay inay u jeesatay sidii ay haweenka Soomaaliyeed ku caawin laheyd waxay ka gaabsatay inay tilmaamta ninka wiilkeeda dhalay laakiin sedex ka mida afduubayaashii Amanda Lindhout iyo filimqaade Nigel Binnen ayaa daajis u sheegay in horjooge lagu magacaabo Abdulle Madoobe oo u dhashay qabiilka Madarkicis gaar ahaan
Duduble uu la seexday Amanda .

Sheekada fajaca badan waxay tahay in Amanda Lindhout lala afduubeey saaxiibkeedii jaceyl Nigel Binnen oo ah Filim qaade u dhashay Dalka Australia laakiin nasiibdaro markii labadooda la sii daayay 15 bilood kadib waxaa dhamaaday xiriirkii jaceyl ee mudada dheer ka dhaxeeyay.

Amanda Lindhout ma walwalsana mala walaacsana maxaa yeelay waxay sameeysay Hay’ad qaabilsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed ,sidoo kale waxay qortay buug ka sheekeeynaya noloshii adkeed ee sanad iyo bilooyinkii lagu heystay afduubka.waxaana la yiraa buugeeda gurigii Cirka ku dhexyiil { A HOUSE IN THE SKY}

Saxaafiyada Canada u dhalatay oo qorsheeyneysa inay magaceeda Amanda u bedesho Amina waxay noqotay qof yaab badan maxaa yeelay halkii ay ka xumaan laheyd afduubkii loo geystay iyo dalkii lagu afduubtay ayey go-aansatay inay Somalia ku laabato ,walibana mashaariic horumarina u sameeyso haweenka Soomaaliyeed. .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada