Ruushka oo wali aamisan in hubka Kiimikada ay adeegsadeen Mucaaradka Suuriya

Ruushka oo wali aamisan in hubka Kiimikada ay adeegsadeen Mucaaradka Suuriya

daajis.com:-Dowladda Ruushka ayaa sheegay inuu aamisan yahay in hubkii kiimikada ee 21-Agosto lagu weeraray duleedka magaalada Dimishiq ay adeegsadeen Mucaaradka Suuriya.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada Ruushka Sergei Ryabkov ayaa sheegay in la haayo cadeymo muujinaya in mucaaradka ay adeegsadeen hubka kiimiada.

Ruushka ayaa sii wada taageerada uu siinayo dowladda Bashar Al-asad hogaamiyo, iyadoo uu horay is hor-taagay qaraar la hor geeyay golaha ammaanka.

Heshiis dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ku dhex maray Geneva ayaa lagu gaaray in Suuriya soo wareejiso hubkeeda kiimikada, kaasoo baajin kara fara gelin milateri iyo weeraro cirka ah uu Mareykanka ku qaado.

Kooxda baaritaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Ghouta ee duleedka Dimishiq loo adeegsaday kiimikada loo yaqaan Sarin.

Reer Galbeedka ayaa ku eedeeyay dowladda Suuriya inay adeegsatay hubka kiimikada oo ay ku dhinteen boqolaal ruux oo caruur u badnaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada