Waxa ay La Soo Wareegeen Bale, Laakiin Real Ay Diyaar U Ah Inay Lacagta Ozil Ku Soo Xerogeliso Suarez Ama Falcao.

Waxa ay La Soo Wareegeen Bale, Laakiin Real Ay Diyaar U Ah Inay Lacagta Ozil Ku Soo Xerogeliso Suarez Ama Falcao.

daajis.com:-Real Madrid ayaa diirada saari doonta inay weeraryahan cusub la soo wareegto bisha Janaayo iyadoo liiskeeda ku darsatay xiddigaha Liverpool iyo Monaco Luis Suarez iyo Radamle Falcao, sida ay sheegeyso jariirada Marca.

Kooxda reer Spain ayaa iska iibisay weeraryahanada Gonzalo Higuain iyo Jose Callejon oo labadooba xagaagan ku biiray Napoli, taasoo ka dhigeysa in Karim Benzema iyo Alvaro Moratta ay yihiin labada weeraryahan ee afka hore ee kooxda jooga.
Inkastoo Cristiano Ronaldo uu ka ciyaari karo weerarka dhexe, hadana Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu dib u maalgashado lacagtii ay ku heleen Mesut Ozil oo ay xagaagan ka iibiyeen Arsenal.
Madaxweynaha Real Madrid ayaana diyaar u ah inay bisha Janaayo kooxda keeno midkood labada weeraryahan Suarez iyo Falcao, waana talaabo lagu doonayo in looga farxiyo Ronaldo oo laga ciyaarsiiyo booska uu jecel yahay ee garab weerar.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada