Al-Shabaab oo ku Hanjabtay in Dalka Kenya ay qul quli doonaan wabiyo Dhiig ah hadii Dowlada Dalkaasi aysan..

Al-Shabaab oo ku Hanjabtay in Dalka Kenya ay qul quli doonaan wabiyo Dhiig ah hadii Dowlada Dalkaasi aysan..

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku aadanaa in gudaha Soomaaliya aysan ciidankooda kala bixi doonin ilaa Soomaaliya ka dhalato xasilooni rasmi ah

War Saxaafadeed ka soo Baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada AlShabaab ayaa lagu sheegay in warka dowlada Kenya ka soo baxay ee ah in ciidankooda ay sii joogi doonaan Somalia uu muujinayo in weli aysan darsi fiican ka baran weerarkii “Westgate Mall” ayna xasilooni darro, Burbur iyo gumaad horleh u soo jiideyso shacabkeeda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, Waxaa ka go’an in ay sii xoojiso weerarada lagu qaadayo Gudaha Kenya ilaa inta Askariga ugu dambeeya ee Ciidanka KDF-ta uu isaga huleelayo dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya”

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku wargaliyay Shacabka Kenya in xasilooni waarta iyo nabad aysan heli doonin ilaa inta Dowlada Kenya ay fara galin ku heyso arimaha Soomaaliya ciidankoodana ay joogaan Gudaha Soomaaliya.

“Haddii Hogaamiyeyaasha Siyaasadda ee Kenya ay weli ku adkeysanayaan duulaanka ay ku qabsadeen dhulkeena Muslimka ah ayna weli doonayaan in ay sii wadaan dambiyadooda waxuushnimada ee ka dhanka ah dadkeena, Iyagana ha ogaadaan in dadka reer Kenya aysan nabad iyo Xasilooni ku heli doonin dalkooda” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Al-Shabaab kasoo baxay.


Hadalkan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa jawaab cad u ah Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Kenya ee ku aadanaa in Ciidankooda aysan Soomaaliya kala bixi doonin , iyadoona Shabaab marar kala duwan Kenya ugu baaqday in ciidankooda kala baxdo gudaha Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada