Madaxweynaha Kenya oo hadalo jees jees iyo bahdilaad kula hadlay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+warbixin)

Madaxweynaha Kenya oo hadalo jees jees iyo bahdilaad kula hadlay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+warbixin)

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inuu hadalo jees jees iyo bahdilaad ah uu kula hadlay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ku sheegay kuwo ku guuldareystay inay dhibaatada dalkooda iyo dadkooda ay wax ka qabtaan isklamarkaana u soo raray dhibaatadaas ay dalkooda ay ku hayeen dalka Kenya. 



Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dhawaantaan ka qeybgalay munaasabad duco iyo alle bari loogu sameynaayey dadkii ku geeriyooday weerarkii ay xarunta ganacsiga Westgate ay ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Alshaabaab ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadaas waxaa uu ku sheegay asagoo ay caro ka muuqato wajigiisa inay ciidamada dalka Kenya ay u tageen dalka Soomaaliya waxay ay qaban waayeen Soomaalidu 20 sano ka badan inay qabtaan, Madaxwynaha ayaa ku faanay inuu dalkooda uu hoy u noqdo Soomaali ka soo carartey dalkooda inay ku noolaadaan islamarkaana ay arintaasi ay ka dhigtey inuu dalkooda uu noqdo midka ay ku taalo xerada ugu weyn qaxootinimo ee aduunka, kuwo leh waxaan u weerarnay Kenya ciidamadooda ayaa jooga dalkeen waxaan idiin sheegayaa Markii ay Soomaalidu ay iska dhergi waayeen dhiigooda iyo is dilkooda ayey dhibaatadii u soo rareen dalkeena oo ay ka bilaabeen qafaalasho dil iyo dhac, anagu marnaba ma aanan tagin dalkooda ayaga ayaa noo yimid oo dhibaato nala soo doontay, Laakiin waxaana u sheegayaa inaan waligeen ka bixi doonin ciidamadeena dalka Soomaaliya ilaa ay is hagaajiyaan oo ay wadankooda hagaajistaan ayuu si qiiro leh u yiri madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta . 

Ug dambeyntiina iyadoo hadaladaas madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ay marqaati cad u yihiin sida uu uga xun yahay dhibaatada soo gaartey dadkiisa islamarkaana sidoo kale marqaati cad u ah hadalo ay dhawaantaan warbaahinta qaarkeed qoreen oo aahaa inuu madaxweynaha dalka Kenya uu diiday inuu la kulmo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale uu ka reebay dalka Soomaaliya magacyada dalalka ka tacsiyeeyey dhibaatada soo gaartey dalka Kenya ayaa waxaa kale oo jira warar hoose oo ku dhow madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegaayo in hadaladaas carada leh badankooda ay ku socdaan dowlada dalka Soomaaliya oo horey dhowr jeer dacwada ku saabsan in ciidamada dalka Kenya laga saaro dalka Soomaaliya u gudbisay wadamada gobolka ku yaala laakiinse ay arintaas is hortaag ku sameeyeen wadamadaas. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada