Ceeb qabsatay mid ka ka mid ah Laacibiinta Dunida ugu caansan & aabihiis oo Maxkamad la soo taagay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Ceeb qabsatay mid ka ka mid ah Laacibiinta Dunida ugu caansan & aabihiis oo Maxkamad la soo taagay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

daajis.com:-Mid ka mid ah laacibiinta Dunida ugu qatarsan uguna caansan ayaa waxaa la soo gudboonaatay ceeb iyo waji xumo kaga timid fal ay ku kaceen isaga iyo aabihiis balse markii dambe noqday hadal heeynta ugu badan ee Caalamka. 




Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Barcelona ee horyaalka dalka Spain Lionel Messi iyo aabihiis Jorge Messi ayaa waxaa la soo taagay Maxkamad ku taala dalka Spain ka dib markii lagu soo eedeeyay inay musumaasuq ku sameeyeen caanshuurta dalka Spain. 

Ciyaaryahan Leo Messi oo heeysta laacibnimada abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan Caalamka ayaa waxaa lagu soo helay isaga iyo aabihiis Jorge Messi inay la dhuunteen lacagta caanshuuraha dalka Spain intii u dhaxeeysay sanadadihii 2007 ilaa 2009-kii , waxaana lagu sheegay lacagta ay musumaasuqa ku sameeyeen aduun gaaraya 4,16 Milyan oo Euro. 

Laacib Lionel Messi oo bilowgii bishaan dhamaatay ee Septembar dib u dhiibay in ka badan 5 Milyan oo Euro hadane fadeexadaan ayaa u noqotay mid dharka looga dhigay maadaama lagu hayo caanshuurta ay la dhuunteen isaga iyo aabihiis inay ku qarsadeen gudaha dalka Uruguay inkastoo weli falkaas ay ku eedeenayaan wakiilkiisii hore. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada