Dumarka Soomliyeed ee ku nool Nairobi oo gargaar ku deeqay dadkii wax ku noqday Weerarkii Westgate!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dumarka Soomliyeed ee ku nool Nairobi oo gargaar ku deeqay dadkii wax ku noqday Weerarkii Westgate!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Hawenkaa Soomlieed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay mucaawino iyo gargaar kala duwan ay ugu deeqeen dadkii wax ku noqday weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate 



Haweenka iyo guud ahaan Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada soo gaartey qaar ka mid ah dadka reer Kenya ka dib markii ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab xarunta ganacsiga Wesgate ee magaalada Nairobi halkaasna ay ku dhinteen in ka badan ilaa iyo 70 qofood, Haweenkaan Soomaalida ayaa waxay ugu deeqeen dadkii wax ku noqday weerarkaas raashin iyo cabitaano kala duwan iyagoona sidoo kale ay u muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada soo gaartey shacabka reer Kenya islamarkaana sheegeen inay yihiin kuwa ka soo horjeeda maleeshiyaadka kooxda Alshabaab islamarkaana meel looga soo wad jeesto la dagaalankooda. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida ku nool dalka Kenya ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada baaxada weyn ee soo gaartey shacabka dalka Kenya ayaa hadana waxaa jira cabssi badan oo ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Kenya iyadoona ay wadnaha farta ku hayaan lagana cabsi qabo inay dad wax ma garato ah ay beegsadaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Kenya, Madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas Kenya ayaa waxay dhowr jeer ku celceliyeen inaysan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas aysan wax shaqo ah aysan ku lahayn dhibaatada ka dhacday xarunta ganacsiga ee Westgate ee ay yihiin kooxo xiriir la ah argagaxisada islamarkaan dhibaato weyn ku haayo aduunka oo dhan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada