Ciidamada Kumandooska Mareykanka oo Weeraray wadamada Liibiya iyo Soomaaliya iyo Raga ay Raadinayeen!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Ciidamada Kumandooska Mareykanka oo Weeraray wadamada Liibiya iyo Soomaaliya iyo Raga ay Raadinayeen!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Ciidamada Kumandooska ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay weeraro ay ugu hiilinayaan dalka Kenya ay ka fuliyeen wadamada Liibiya iyo Soomaaliya. 


CIiidamadasida sida aadka ah u tababaran ee dalkaas Marfeykanka ee loo yaqaan Neavy SEAL ayaa waxaa la sheegay inay weeraro ay kaga jawaabayaan dhibaatada loo geystay dalka Kenya ay ka fuliyeen dalalka Soomaalia iyo Liibiya, weerarka ay ku qaadeen dalka Soomaaliya oo ay la beegsadeen qaar ka mid ah madaxda maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo la xiriirinaayo inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ayaa ay ciidamadaas mMareykanka ay ka fuliyeen magaalada Baraawe iyadoona ay weerarkaas oo ay damacsanaayeen inay ku soo qafaashaan ninkaas la tuhun san yahay ay ku guul dareysteen ka dib markii ay la kulmeen iska caabin xoogan, Laakiin weerar kaas la mid ah oo ay ciidamada kumandooska dalkaas Mareykanka ay ku qaadeen nin lagu magacaabo Anas al-Liby oo ku sugnaa magaalada Tripoli ee dlkaas Liibiya ayae ku guuleysteen iyagoona ninkaas ka soo qafaashay magaalada aroor hore oo subax ah ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaada Subax, ninkaan oo lala xiriirinaayo inuu ka mid yahay madaxda sare ee ururka Aqaacida ayaa lagu soo eedeey inuu ku lug lahaa qaraxyo loogeystay safaaradaha dalka Mareykanka uu kul leeyehay wadamada Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998, Ninkaan ayaa horey dalka Mareykanku waxay madaxiisa dul dhigeen lacag gaareysa ilaa iyo 5 Malyuun oo doolar. 

Ugu dambeyntiina iyadoo sida muuqato ay isa soo tareyso dagaalka lagula jira maleeshiyaadka kooxda Alshabaab wixii ka dambeeyey weerarkiii ay ku qaadeen xarunta ganacsiga Westgate ee dalkaas Kenya ayaa xoghayaha arimaha dibada ee dalkaas Mareykanaka oo ka hadlay weeraradaas waxaa uu sheegay inaysan marnaba ka baxsan doonin waxa uuu ugu yeeray argagaxisada asagoona sheegay inay meel walba ku ugaarsan doonaan oo ay ka soo qaban doonaan, Wararka ayaa waxay sheegayaan ind owlada dalka Liibiya oo aan wax war ah u haynin weerarkaas inay ka carootey arintaas kuna tilmaantey mid meel ka dhac ku ah xornimadeeda. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada