FADEEXAD: Wasiir katirsan DF Soomaaliya oo Viso La’aan isagoo dhoofi raba la qabtay

FADEEXAD: Wasiir katirsan DF Soomaaliya oo Viso La’aan isagoo dhoofi raba la qabtay

daajis.com:-Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta galay buuq xoogan kadib markii la celiyay Wasiir katirsan Xukumada Soomaaliya oo doonayay inuu dalka ka baxo isagoo aan wax Viso ah wadan.

Warar aan ka helnay Saraakiisha Garoonka Adden Cadde International,  Wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa dib loo celiyay kadib markii la qabtay isagoo doonaya inuu Viso la’aan ku aado dhanka dalka Ingiriiska.

“Diyaarada Turkish Airweys ayuu raaci lahaa, laakiin Viso la’aan ayuu ahaa”sidaas waxaa yiri mid kamid ah Shaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah ilaalada wasiirka ay ku sigteen inay gacanta ula tagaan shaqaalaha hor istaagay Wasiirka.

Markii danbe ayaa la sheegay in la saxay dhamaan qaladaadkii, waxaana wasiirka uu garoonka ku xanibnaa mudo labo saac ah.

‘Wasiirka waxaa uu doonayay inuu ka qeyb galo shir ka dhacaya London, laakiin Visahiisa waa qaldanaa, labo saac ayay qaadatay arinta waana la xaliyay” ayuu sheegay Sargaalka kusugan garoonka ee nala hadlay.

Ugu danbayn Wasiirka ayaa garoonka ka baxay kadib markii loo hagaajiyay Visahii uu ku baxayay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada