Dil Iyo Dagaalo Qorsheysan oo Xalay Ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo

Dil Iyo Dagaalo Qorsheysan oo Xalay Ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Kooxo Hubeysan ay Xalay weerar ku qaadeen Guri uu Magaaladaasi ka degen yahay Sarkaal dhinaca Amniga u qaabilsan Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hoggaamiyo.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Suuq Yaasiin ee Bartamaha Magaalada Kismaayo oo ku yaallo Guriga Sarkaalka la weeraray.

Illaa iyo iminka lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi , iyadoo la xaqiijiyay in Sarkaalkaan uu dhinaca Amniga u qaabilsan yahay Maamulka Jubba Dekedda Magaalada Kismaayo.

Sarkaalka la weeraray oo Magaciisa lagu soo koobay Isxaaq
Dhinaca kale waxaa xalay Magaalada Kismaayo lagu dilay Askari ka tisan Ciidanka Axmed Madoobe kaasi oo uu dilay isla Askari Ciidamada gacanta ku haya kismaayo ka mid ah.

Askariga dilkaan geystay oo aan la ogeyn sababta uu u qaarijiyay Saaxiibkiis ayaa Goob Joogayaal Kismaayo ku sugan Idaacadda Shabelle u sheegeen in ay qabteen Ciidamada Maamulka Jubba ee iyagu ka arrimiya Magaaladaasi Kismaayo.

Falalkaan kala gedisan ee xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaanu ugub ku aheyn Magaaladaasi , iyadoo ay imaanayaan xilli Maamulka Jubba ee Kismaayo fadhigiisu yahay ay dhawaan wacad ku mareen in ay ka hortagayaan dhibaatooyinka Amni xumi ee ka jira Magaaladaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada