Bandhig Cajiib ah ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin iyo dadweyne badan oo Muqdisho lagu qabtay(Daawo Sawirada)

Bandhig Cajiib ah ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin iyo dadweyne badan oo Muqdisho lagu qabtay(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Waxaa xalay Degmada Hool Wadaag ee Gobolka Banaadir lagu qabtay Bandhig loogu magac daray Dib usoo nooleynta Fanka Soomaaliyeed kaa uu soo qabAn qaabiyay Gudoomiyaha Degmada Hool Wadaag ee Gobolka Banaadir.

Bandhigan oo ahaa mid aad u qiimo weynaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin katirsan Dowlada uu ku jiro Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarasn , Xildhibaano tiro badan , Gudoomiyaal Degmo , Saraakiil ,Abwaano iyo fanaaniin.

Intii uu socday Bandhiga Dib usoo nooleynta Fanka Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee laga ciyaaro gobolada Dalka oo dhan iyadoona aad ugu riyaaqeen Bandhigaasi Masuuliyiintii iyo dadkii kale ee kasoo qeyb galay Munaasabada.

Bandhiga Dib usoo nooleynta Fanka Soomaaliyeed ayaa waxaa furay Abwaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud Ciise Sangub , waxa uuna sheegay in Muhiim tahay in fankii umada Soomaaliyeed dib loo soo nooleeyo.

Gudoomiyaha Degmada Hool Wadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka hadlay Munaasabada uu soo agaasimay ayaa sheegay in ay uga gon lahaayeen in dib loo soo nooleeyo fankii iyo dhaqankii Soomaaliyeed , waxa uuna aad ugu mahad celiyay kooxihii kala duwanaa ee bandhiga ka qeyb qaatay


Bandhiga Xalay lagu qabtay Degmada Hool Wadaag waxaa sidoo kale dadka maaweelinayay qeybna ka ahaa fanaaniin Caan ah kuwaa oo halkaasi kusoo bandhigay Heeso Wadani iyo heeso kale ay aad u jecleesteen Boqolaalkii dadweynee ee bandhiga Joogay iyo Masuuliyiinta Dowlada oo iyagu xaadir ku ahaa xarunta xaflada kasocotay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


























Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada