Daawo Sawirada gaadiidka oo la meel ay kala maraan laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada gaadiidka oo la meel ay kala maraan laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa saxmad aad u balaaran laga dareemayaa laamiga Maka Al-Mukarama oo ah laamiga ugu mashquulka iyo gaadiidka badan Laamiyadaa Magaalada Muqdisho.

Laamiga oo markiisii hore ahaa cariiri ayaa hada waxaa ugu sii darsamay dayactir lagu sameenayo Marsho biyeedka laamigaasi taa oo keentay in gawaarida ay wadada isku xiraan lana waayo meel ay maraan.

Dowlada ayaa horey u sheegtay in laamiga Maka Al-Mukarama kaliya la dhisayo xiliyada habeenkii si loo yareeyo culeeska maalintii , waxaana iminka muuqda in marsho biyeedka la dhiso maalin cad taa oo keentay cariiriga laamiga uu kordho maadama dhinacyada laamiga qaarkood la xiray.

Saxmada ama cariiriga hada ka jira laamiga Maka Al-Mukaeama ee Magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay in gaadiidka ay isku dhacaan sidoo kale waqti badan uu gaadiidka uga lumo maritaanka laamigaasi kuwaa oo hada qaarkood bilaabay in ay ka weecdaan ayna maraan wadooyinka xaafadaha .


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada