Daawo sawirada:- Kanye West oo Kim Kardashian faraantiga guurka u galiyay , iyagoona isdoortay.

Daawo sawirada:- Kanye West oo Kim Kardashian faraantiga guurka u galiyay , iyagoona isdoortay.

daajis.com:-Heesaaga caanka ah ee Kanye West ayaa gacalisadiisa Kim Kardashian u soo bandhigay in ay isaga guursato isagoo codsigaani ku soo beegay maalintii isniinta oo aheyd dhalashadeeda 33 aad , waxaana uu Kanye gacalisadiisa  Kim uu u galiyay faraanti 

diamond ah oo ku fadhiya 1. Milyan iyo bar Doolarka Mareykanka ah , iyadoo dhawaan ay Kim Kardashian xaraashtay faraantigii arooskeeda hore loo galiyay waxaana ay ku iibisay 700 kun Doolar.

Kanye ayaa kireestay garoon cayaaraha ah oo weyn oo ku yaala magaalada San Francisco waxaana uu shaashada garoonkaasi ku qoray Please Marry Me!! oo micnaheedu yahay i guurso ama aan is guursano taasoo ay Kim kaga jawaabtay Yes iyadoo aqbashayna guurkii loo soo bandhigay iyadoona ku daabacday sawiradan cinwaankeeda Instagram ay ku leedahay sidaasina ay isku doorteen odaygeeda, waxaana halkaasi ka dhacay dabaal deg iyadoo muusig loogu tumay , waxaana ay casuumeen qoysaska iyo asxaabtooda.

Kim iyo Kanye ayaa waxaa u joogta oo ay dhaleen gabar yar oo 4 bilood jirto taasoo ay u baxiyeen North West.

Waxaa ay Kim Kardashian uu guurkani u yahay arooskeedii sedexaad balse Kanye waligiis ma guursan mana qaadan faraantin .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada