Daawo Video:- Madaxwayne Barack Obama oo ka gaaray Haweeney wareertey oo istaaga ka dhici gaartey!!

Daawo Video:- Madaxwayne Barack Obama oo ka gaaray Haweeney wareertey oo istaaga ka dhici gaartey!!

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu qabtey oo uu ka gaaray haweeney wareertey oo istaaga ka dhici gaartey xilli uu hadal ka jeedinaayey xarunta White House. 


Madaxweyne Barack Obama ayaa waxaa la sheegay inuu caawiyey oo uuna qabtey haweeney ka mid ahayd shacab dhageysnaanyey hadal uu madaxweynuhu jeedinaanyey ka dib markii ay haweeneydaasi ay wareertay oo ayna jooga ka dhici gaartey, Madaxweyne Obama oo shir jaraa'id oo uu kaga hadlaayey xeerarkiisa cusub ee sharciga caymiska caafimaadka ku qabtey aqalka cad ee loo yaqaan White House ayaa mar qura waxaa uu dareemay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo gadaashiisa ka socda asagoo intaas ka dibna eegay taas oo ayna ishiisu qabtey haweeney ka mid ahayd dadkii goobtaas ku sugnaa oo sii liicaysa islamarkaana dhici rabta iyadoona uu madaxweynuhu uu islamarkiiba joojiyey hadalkii ka dibna uu haweeneydaas qabtey, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay inuu hayo haweeneydaas, Sidoo kale ayuu madaxweynuhu waxaa uu ku kaftamay tani waa waxyaabaha dhaca marka aan hadalka ama khudbada aan dheereeyo. 

Ugu dambeyntiina iyadoo madaxweynuhu uu hadalkiisa sii watey islamarkaan haweeneydaas ay goobtaas kala carareen ilaalada iyo iyo qolooyinka borotokoolka madaxweynaha ayaa haweeneydaas loola cararay isbitaalka, Haweeneydaan oo markii dambe magaceeda lagu sheegay Karmel Allison ayaa hada caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay ayadoona ay haweeneydaas sheegtay inay tahay qof uur leh islamarkaana ay wareertay sidoo kale ayey waxay sheegtay inay tahay qof qaba cudurka sonkorta, Haweeneydaan ayaa waxay bogeeda Twitterka ugu mahad celisay madaxweyne Obama iyadoona ku tiri waad ku mahadsan tahay inaad i qabato. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada