Daawo Video:- Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka si calool xumo iyo murugo leh uga hadashay Wiil Looga Dilay Somaliya"

Daawo Video:- Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka si calool xumo iyo murugo leh uga hadashay Wiil Looga Dilay Somaliya"

daajis.com:-Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay si calool xumo iyo murugo leh ay uga hadashay wiilkeeda oo ku geeriyooday dagaalada ka jira dalka Soomaaliya ka dib markii lagu maskax dooriyey inuu ka qeyb galo dagaalka Jihaadka ee ka socda dalka Soomaaliya. 



Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abeyte Axmed oo ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay si calool xumo iyo murog ay ku dheehan tahay ay uga warantey wiilkeeda ay jecleyd oo ku geeriyooday dagaalada ka jira dalka Soomaaliya xilli uu uga kicitimay magaalada Minneapolis inuu ka barbar dagaalamo Xarakada Alshabaab, Wiilkaan geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Jamaal oo 19 sano jir ahaa islamarkaana ahaa ardey dhigta jaamacada ayaa waxaa la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay sanadkii 2008, Hooyadaan ayaa waxay sheegtay inuu mar dambe uu kala soo hadlay asaga oo jooga magaalada Muqdisho taas oo ayna ugu xigtay ka dib markii uu aabihiis ku arkay websiteyada sawirka wiilkiisa oo geeriyooday sanadkii 2009, hooyadaan ayaa waxay sheegtay inay arintaas ay ku reebtay calool xumo baaxad weyn oo aysan waligeed iloobi doonin. 

Ugu dambeyntiina iyuadoo hooyadaas Soomaaliyeed ay sheegtay in dhaawaca ka soo gaarey geerida wiilkeedu uu yahay mid aad iyo aad u xanuun badan ayaa waxay sheegtay inay hadana ay ka sii xanuunsato marka ay maqasho in wiil kale oo Soomaaliyeed oo la maskax dooriyey uu u kicitimay dalka Soomaaliya si uu uga qeyb galo jihaadka waxa lagu sheegay, Hooyadaan ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in wiilkeedu uusan ku bixin fikrad tiisa ah ee ay tahay mid lagu shubay oo lagu maskax badalay iyadoona sheegtay in jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ay dhibaato weyn ku qabaan arintaas maadaama qaar badan oo ka mid ahayd dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobolkaas oo la maskax dooriyey ay u anbabaxeen dalka Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan Xarakada Alshabaabb. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada