Top News:- Waa Maxay Ujeedkii ka dambeeyay in Axmed Madoobe uu Heshiis la galo Dowladda.

Top News:- Waa Maxay Ujeedkii ka dambeeyay in Axmed Madoobe uu Heshiis la galo Dowladda.

daajis.com:-Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xukuumadda Somalia ayaa sheegay in Ujeedka ka dambeeyay Axmed Madoobe inuu la hehiiyo Dowladda ay tahay Ballamo wax ku’ool ah oo ay u sameeyeen Beesha Caalamka.

QM, ayaa iyadu ballan qaaday in dhan waliba ay ka taageeri doonaan Maamulka KMG Jubba gaar ahaan Hanti dheeraad ah ay ku bixin doonaan Dhismaha maamulkaasi, iyadoona Axmed madoobe loogu baaqay kaliya inuu tixgaliyo Jiritaanka Xukuumadda.

Dhanka kale, Heshiiska ka hor ayaa waxaa la sheegay in Qadka Telka ay kuwada hadleen Safiiradda qaar ka tiran Yurubta u jooga Somalia, kuwaasi oo iyaguna adkeeyay Ballamaha.

Sidoo kale, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Africa ayaa dhankooda iyaguna Axmed Madoobe uga ballan qaaday inay ka qeybqaadan doonaan Dhismaha iyo xoojinta Ammaanka iyaga oo aan ka amar qaadan Xukuumadda, taasoo soo dedejisay in Axmed Madoobe uu qaato Heshiiska.

Inta badan Safaaradaha Yurubta ee ku yaalla Muqdisho, ayaa waxa ay il-gaar ah iminka ku eegayaan Magaalladda Kismaayo gaar ahaan Maamulka KMG Jubba, iyadoona ay taasi ka turjumeyso danaha gaarka ee laga leeyahay Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe ayaa waxa uu iminka ka dhowr sugaaya fulinta ballamaha Reer galbeedka, waxaana la aaminsan yahay in Heshiiskaasi uusan aheyn mid ku imaaday tixgalinta Dowladda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada