Booliska Norway oo baadi-goobaya gabdho soomaaliyeed oo Suuriya u jihaad tagay

Booliska Norway oo baadi-goobaya gabdho soomaaliyeed oo Suuriya u jihaad tagay

daajis.com:-Saxaafadda dalka Norway ayaa maalmahan hadal-haya laba gabdhood oo soomaali ah islamarkaana walaalo ah kuwaas oo u jihaad tagay dalka ey dagaaladu ka socdaan ee Suuriya.


Gabdhahan oo da`aadooda lagu kala sheegay 16 iyo 19 jir, ayay boolisku rumeysan yihiin in ay leeyihiin amoorayaal ama wiilal saaxiibo kuwaas oo jihaadka ku qal-qaaliyay.

Qoyska gabdhahan ayaa waddanka Norway soo galay sanadkii 2000, waxaana labada gabdhood ey ahaayeen kuwo iska caadi ah tan iyo sanadkii la soo dhaafay oo ay mida weyn durba bilowday in ay u badato dhanka diinta islamarkaana xijaab xirato.

Qoyska gabdhahan ayaa aaminsan iyo gabdhohoodu u gacan galeen kooxo xagjirro ah kuwaas oo ku qal-qaaliyay in ay aadaan Suuriya.

Arrinta gabdhahan ayaa imaaneysa xilli isla dalka Norway si aad ah looga hadal hayo wiil soomaaliyeed kaas oo Norway ka tagay islamarkaana ka mid ahaa kooxihii weeraray xarunta ganacsiga Westgate ee dalka Kenya
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada