Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul

daajis.com:-Istanbul, 29 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmaya Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu kala  hadli doonaa xiriirka labada dal, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadcelin doonaa doorkii hoggaamineed ee Turkigu ka qaatay arrimaha Soomaaliya oo bedeshay sida uu caalamku ula dhaqmo Soomaaliya. 

Sidoo kale Madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Dowladda si loo soo afjaro dagaalka kooxaha Al-Shabaab, bacdamaa Madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta 29ka October 2013. Madaxweynahu waxuu halkaas ka jeedin doono khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahadcelin doono garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada