Daawo SAwirada:- Maxamed Asad Sheekh oo ka hadlay Wararka sheegaya in uu dib ugu laabtay Al-Shabaab

Daawo SAwirada:- Maxamed Asad Sheekh oo ka hadlay Wararka sheegaya in uu dib ugu laabtay Al-Shabaab


daajis.com:-Mid kamid ah Dagaalamayaashii Xarakada Al-Shabaab horey uga soo goostay iskuna dhiibay dhinaca Dowlada Soomaaliya ayaa beeniyay war ay baahisay mid kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho.

Maxamed Asad Sheekh C/laahi waxa uu ka mid ahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalada kala soo horjeeday Dowlada Soomaaliya, inkastoo uu kooxdaasi kasoo goostay iskuna dhiibay dhinaca Dowlada Sanadii 2009-dii.

NInkan horey uga soo goostay Al-Shabaab ayaa maanta si kulul u beeniyay War ay baahisay Idaacada SKY FM ee Magaalada Muqdisho warkaa oo ku adaanaa in uu dib ugu laabtay Al-Shabaab uuna Dowlada kala baxsaday hub iyo Dukumiintiyo muhiim ah.

Maxamed Asad Sheekh C/laahi ayaa ku hanjabay in uusan ka hari doonin Maxkamadna la tiigsan doono Idaacada SKY FM uu sheegay in ay been abuurad weyn kusameesay marnaba uusan ka hari doonin dacwadna ku oogayo Idaacadaasi.

“Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka soo baxa Shabaab ee goosta inuu isaga yimaado sababo jiray awgood, waxaana dowlada isu soo dhiibay sanadkii 2009 ku dhawaad Afar sano oo laba bilood la’ ayaan joogaa meel aan kaga baxay iyo meelaan kaga dhaqaaqayna ma jirto mana jirto fikrad ah inaan dib ugu laabto shabaab mana jiri doonto’’ ayuu yiri Maxamed Asad.
Idaacada SKY FM ee baahisay warkan uu beeniyay Ninkan Al-Shabaab horey uga tirsanaa ayaa hada hawada kamaqan waxa ayna Mataano la aheed Idaacada Shabelle ay wada dagnayaeen hal xarun , Idaacadan ayaana aheed Idaacad markasta baahisa warar ay dhibsadeen dad badan haba ugu horeeyaan Hay'adaha iyo Jaamacadaha Dalka ka jira.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada