Daawo Sawirad:- R/w. Saacid oo maanta daah furay shir looga hadlayo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya

Daawo Sawirad:- R/w. Saacid oo maanta daah furay shir looga hadlayo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta daah furayey shir looga hadlayey horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya,

shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo looga hadlo dhaqan galinta Higsaga Cusub, Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday xafiiska Madaxweynaha, Baarlamaanka, Wasiiro, Xubno ka socda Bulshada Caalamka, Bulshada Rayidka ah iyo xubno kale oo ka socday gobolada dalka.


Shirkaan ayaa ah mid ay dowladda Soomaaliya iyo Bulshada Caalamku ay isku waafaqeen dhisidda guddi aruuriya xogaha iyo diyaarinta istiraatiyad lagu hormarinayo dib-u-dhiska Soomaaliya, taas o fulinteeda loo marayo barnaamijka Higsaga Cusub, iyadoo ahmiyada la siinaya arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo isku xirka macaawinooyinka la siinayo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku tilmaamay shirkaan inuu leeyahay muhiimad gaar ah taas oo ah xaqiijinta mirihii ka soo baxay shirkii barnaamijka Hiigsiga Cusub ee 16, Sept,2013 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Beljamka.


''Dowladaydu waxa ay diyaar u tahay inay qaadato masuuliyad weyn marka laga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, shirkaan waxa uu ka mid yahay tallaabooyinkii ugu horeeyey ee lagu xaqiijinayo ka dhabaynta riyadii Higsiga cusub ee ay dadka iyo dowladooduba isagoo dukumenti dhamaystiran ah hor dhigeen Shirkii Brussels''ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo Dolwadooduba ay ku midaysan yihiin dukumentigii (Compact) ee ka soo baxay shirkii Brussels, lana guda galayo sidii loo fuin lahaa.

''Shirkii Brussels wuxuu ka turjumayey sidii loo fulin lahaa waxyaalaha ay Soomaaliya mudnaanta siinayso iyadoo loo marayo hannaanka Higsiga Cusub, waxayna noo leedahay muhiimad gaar ah inaan si dhaqso ah u dhaqaajino fulintiisa. Maantana waxaa bilaabatay tilaabadii ugu horraysay ee loo qaadayey sidii loo hirgalin lahaa Higsiga Cusub''ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in siddeed bilood uu jiray shaki weyn oo ku aadan sidii loo fulin lahaa Higsaiga Cusub (New Deal) lakiin markii la sameeyey wadatashiyo, doodo, iyo shaqo adag maanta waxaan haysannaa dukumenti dhamaystiran oo ay ku jiraan dhamaan baahiyaha kala duwan ee Soomaaliya lagu hormarin karo, waxaan u mahadcelinayaa ku u dhabar adayga ka miro dhalinta Higsiga Cusub.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada