Daawo Sawirada:- "Saxaafadda Dalka Norway oo Maanta Soo Bandhigay Sawirada Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Ka Qaybgalay Weerarka Westget!!

Daawo Sawirada:- "Saxaafadda Dalka Norway oo Maanta Soo Bandhigay Sawirada Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Ka Qaybgalay Weerarka Westget!!

daajis.com:-Xasan Axmed Dhuxuloow, waa wiil Soomali ah oo haysta dhalashada dalka Norway kaas oo la rumaysanyahay inuu ka qayb qaatay howlgalkii lagu weerarey xarunta ganacsi ee ku taal magaalada Nairobi bishii lasoo dhaafay, weerarkaas oo socdey muddo afar maalmood ah, islamarkaasna lagu dilay dad kor u dhaafaya 67 qofood.

Xasan wuxuu dalka Norway qaxootinimo ku yimid asagoo lasocdey qoyskiisa sanadkii 1999kii, markaas oo uu ahaa sagaal jir, hase ahaate waxa uu soomaaliya ku laabtay 2009kii markaas oo la rumaysanyahay inuu qaatay fikirka xagjirka ah ee dhinaca diinta.

Ninkaan dhalin yarada ah oo dad'diisu ahayd 23 jir ayaa waxaa uu ku noolaa magaalo ku taal koonfurta dalka Norway oo lagu magacabo Larvik halkaas ooga baxay dugsiga sare.

Qoyska Xasan Dhuxuloow ayaa sheegay in wiilkoodu uu xiriiro aan joogta ahayn lala lahaa mudadii uu ku maqnaa Soomaaliya, xiligaas oo la rumaysanyahay inuu ku biirey dhaq dhaqaaqa xag jirka ee al Shabaab, waxaana ruux qoyskiisa ka mid ah uu u sheegay warbaahinta dalka Norway in Mr. Dhuxuloow markii ugu daanbaysay ee uu lasoo xiriirey qoyskiisa uu u sheegay inuu dhib kun jiro oo uu doonayo inuu u soo laabto Norway.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada