Dad shacab ah oo maanta dhac xoogan loogu geystay Gobolka shabeelaha hoose

Dad shacab ah oo maanta dhac xoogan loogu geystay Gobolka shabeelaha hoose

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Inta udhaxeyso Deegaanada Afgooye iyo wanla weyn ayaa  waxa ay sheegayaan in manta dhac xoogan loogu geystay dad shacab ah oo saarnaa gaadiid isla markaasna ku sii jeeday Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka baay.

Dhacaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa wax yar uun markii ay ciidamada birmadka dowladda ee soo faarujiyeen xarumihii ay ku lahaa yeen deegano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose oo ay kamid tahay deegaanka manta dhaca loogu geystay dadka shacabka ah

Qaar ka mid ah dadkii saarnaa Gaadiidka dhaca loo geystay oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacago iyo agab ay siteen laga qaatay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa horay qeylo dhaan waxa ay uga Muujiyeen Isbaarooyin la soo dhoobay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada