Daawo Video:- Afhayeenka Beelaha Hawiye oo digniin u direy Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.

Daawo Video:- Afhayeenka Beelaha Hawiye oo digniin u direy Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.

daajis.com:-Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali Jawaariayaa waxaa la sheegay inuu digniin culus uu u direy gudoomiyaha baarlamaanlka Soomaaliyeed iyo guud ahaan beelaha Digil iyo Mirifle oo uu ku tilmaamay kuwo ku howlan dhul boob islamarkaana kala qeybinaayo beelaha Hawiye. 


Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo dhawaantaan la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu eedeyn culus u soo jeediyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu ku tilmaamay mid hurinaayo dagaal sukeeye islamarkaana ah nin ka duwan wixii lagu tilmaami jirey oo ahayd nin wanaagsan oo waaya arag ah, Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sidoo kale waxaa uu wax kama jirraan ku sheegay shirar ay maalmihii dambe wadeen odayaasha iyo wax garad ka soo jeedo beelaha Digil Iyo Mirifle asagoona ku eedeeyey in kulamadaas lagu kala qeybinaayo beelaha ku abtirsada beel weynta Hawiye, islamarkaana waxaa uu nabadoonka uu ka digay inay arintaasi ay keeni karto in dib loogu noqdo dagaal sokeeye 

Ugu dambeyuntiina ayaa af hayeenka odayaasha beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in gobolka sheebalaha Hoose uu yahay degaan aysan wax shaqo ah ku lahayn beelaha Mirifle asagoona sheegay inuu yahay degaan Digil iyo Hawiye sidaas awgeedna aysan dhihi karin dadka ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle oo deegaanada lagu yaqaano ay yihiin Baay iyo Bakool inay yiiraahdaan waxaan u dhisaynaa maamul iyadoona uu rintaas ku tilmaamay mid keeni karta iska hor imaad dhex mara labada beelood, Nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxaa uu sheegay inay tahay wax lala yaabo in beelaha ku abtirsada Digil iyo Mirifle inay iloobeen sidii ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Muqdisho markii ay dhibaatada qabsatey ee ay u soo qaxeen magaaladaas. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada