Daawo Video:- Cunsurigii ugu weynaa Dalka Ingiriirska oo ka toobad keenay naceybka iyo dhibaateynta Muslimiinta Ku hayay

Daawo Video:- Cunsurigii ugu weynaa Dalka Ingiriirska oo ka toobad keenay naceybka iyo dhibaateynta Muslimiinta Ku hayay

daajis.com:-Tommy Robinson oo ah nin 30 sano jir ah una dhashay dalkaas Ingiriiska islamarkaana ahaa aasaasihii iyo hogaamiyhii ururka cunsuriga ah ee lagu magacaabo EDL (English Defence League) ayaa waxaa la sheegay inuu arintaas ka baxay gebi ahaanba, Ninkaan oo ay garbihiisa fadhiyaan qaar ka mid ah muslimiinta ugu caansan dalkaas ayaa waxay ka soo muuqdeen warbaahinta dalkaas, Ninkaas ayaa goobtaas waxaa uu ka sheegay inuu gebi ahaanba uu isaga baxay ururkaas cunsuriga ah asagoona sidoo kale raaligaliyey dadka muslimiinta ah ee u dhashay dalkaas Ingiriiska oo uu sheegay inuu sabab u ahaa inay dadkaas Muslimiinta ah ay ku noolaadaan mudo sanooyin ah cabsi joogto ah oo uu asagu ka mid ahaa ragii lahaa arintaas masuuliyadeeda. Ninkaan ayaa waxaa kale oo uu goobtaas ka sheegay inuu yahay nin aan wax naceyb ah u qabin muslimka.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaan lagu magacaabo Tommy Robinson ee horey u ahaa cunsuriga dadka muslimka ah neceb uu talaabada uu qaaday ay ku noqotey qaar badan oo ka mid ah dadka Ingiriisku yaab iyo amakaag ayaa waxaa kale oo uu ninkaan balanqaaday inuu booliiska dalkaas Ingiriiska uu kala shaqeyn doono sidii ay u cirib tiri lahaayeen waxa uu ugu yeeray neceybka iyo cunsurinimada lagu haayo dadka muslimiinta ah, Ninkaan oo wararku qaar sheegayaan inuu muslimay ayaan la xaqiijin karin jiritaanka arintaas maadaama aan wali si rasmi ah loo arkin meel uu ku qaadanaayo diinta Islaamka ama uu ku muslimay inkastoo ay warar kalena ay sheegayaan in la filaayo inuu dhawaantaan uu qaato diinta Islaamka, Laakiin si kasta oo ay tahayba arintaan ayaa ah guul u soo hoyatey dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa ku nool dalkaas Ingiriiska maadaama uu ninkaan iyo ururkiisa ay ku lug lahgaayeen dhibaatooyin baaxad weyn oo loo geystey muslimiinta ku nool dalkaas Ingiriiska.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada