Daawo Video:- Muran iyo buuq weyn oo ka dhashay calanka lagu garto Astaanta Islaamka ayna isticmaamlaan Alshabaab!!

Daawo Video:- Muran iyo buuq weyn oo ka dhashay calanka lagu garto Astaanta Islaamka ayna isticmaamlaan Alshabaab!!

daajis.com:-Muran iyo buuq weyn ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay calanka lagu garto Islaamka ay isticmaamlaan Alshabaab iyo wadaadada Jihaadka ka dib markii calankaas laga taagay dhismo ku yaala bartamaha magaalada Gothenburg ee dalkaas Sweden 


Calankaan madoowga ah oo ay ku qoran tahay Ashahaada ayaa waxaa uu yahay mid ay isticmaalaan oo astaan gaar ah sida Alshabaab iyo Alqaacida ayaa dhawaantaan waxaa uu ka soo muuqday bartamaha magaalada Gothenburg ee dalkaas Sweden ka dib markii ay halkaas surteen jaaliyada muslimiinta ee ka soo jeeda dalkaas Bosniya kuwaas oo ugu dabaaldegaayey xuska iyo farxada ciidul Adxaaga, Laakiin arintaas ayaa waxay keentay inay qaar badan oo ka mid ahaa dadka reer Sweden ay ka caroodeen iyadoona ay goobtaas soo buux dhaafiyeen warbaahinta dalkaas Sweden oo tabinaayey in calankii jihaadka ee ay caanka ku ahayd Alqaacida uu maanta dalkooda ka lulanaayo oo uu ka dul babanaayo dalkaas Sweden. 

Ugu dambeyntiina iyadoo calankaas muran iyo is qab qabsi dheer ka dib markii dambe laga dejiyey goobtaas ayaa imaamka masaajidka iyo xaruntaas Islaamka ninka lagu magacaabo Sejdulija Huskic waxaa uu sheegay inaysan jirin ujeedo kale oo ay calankaas ka lahaayeen marka laga reebo dabaaldega iyo farxada ciida awgeed inay uga taagteen xaruntoods asagoona la yaab ku tilmaamay inay dad cabasho ka muujiyaan calankaas kuna tilmaamay wax aan loo baahneyn arintaas,cabsidaas ay muujiyeen shacabkaas reer Sweden ayaa waxay tusaale u tahay in dad magaca Islaamka isticmaalaaya ay marin habaabiyeen diinta wanaagsan ee muslimka iyo inay diinta islaamku ay tahay diin nabadeed. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada