Daawo Sawirada:- Haweeney isku qarxisay dad saarnaa Bus marayay magaalo ku taal Ruushka

Daawo Sawirada:- Haweeney isku qarxisay dad saarnaa Bus marayay magaalo ku taal Ruushka

daajis.com:-Haweeney lagu magacaabo Nadia Asiyalova oo ah 30 ka timid Jamhuuriyada Dagestan ayaa isku qarxisay shalay Bas nooca shacabka ah oo marayay bartamaha magaalada Volgograd ee dalka Ruushka.

Haweeneydaasi ayaa istaagtay wadada dhinaceeda, halkaasi oo uu marayay Buska, waxaana mar qura qiiq iyo uuro kor u qaatay gaariga buska uu noqday mid burburay, iyadoo saraakiisha ciidamada Booliska ay sheegeen in haweeneydan ay isku qarxisay buska isla markaana ay ka timid mid ka mid ah jamhuuriyadaha ka go'ay ruushka ee la yiraado Dagestan.

Haweeneydan ayaa ah Islaam, waxaana qabay 21 jir sarkaal ka tirsan ciidamada dalka ay ka timid lana yiraahdo Dmitry Giraffe oo isna Islaamka qabatimay.

Lix qof ayaa buskani ku dhimatay 30 kalena wey ku dhaawacmeen oo qaarkood xaalad halis ah ku jira.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada