Taliye Jaqanaf''Darayska Ciidanka Huudhaydaa laga helaa

Taliye Jaqanaf''Darayska Ciidanka Huudhaydaa laga helaa

daajis.com:-Taliye Kuxigeenka Qaybta Gobolka Bari ahna siihayaha xilka Taliyaha Qaybta Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) oo lahadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in darayska ay gashtaan ciidanka laga helo suuqyada lagu gado huudhayda dharka loo yaqaan ee laga ganacsado.

Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) ayaa sheegay in mamnuuc ay tahay in lagado lagana ganacsado dharka loogu talagalay ciidanka,waxana uu fariin ujeediyay ganacsatada ka ganacsatada dharka loo yaqaan Tuutaha oo loogu tala galay ciidanka.

''Ganacsatada reer Puntland waxaan ujeedinaya gaar ahaan kuwa gada huudhayda in ay iska joojiyaan in ay ka ganacsadaan darayska loogu talagalay ciidanka wixii ay hada hayaana haku wareejiyeen dowlada''Sidaasi waxaa Yiri Taliye Kuxigeenka Qaybta Gobolka Bari ahna siihayaha xilka Taliyaha Qaybta Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) .

Waxa uu sidookale Taliye Jaqanaf fariin udiray dadka iyagu dalalka kale kakeena darayska loo yaqaan Tuutaha oo ay gashtaan ciidanka una keena dalka si ay uga ganacsadaan waxana uu ujediyay in ay iska joojiyaan oo aysan mardambe dalka Soogalin.

''Darays dowladeed in lakeeno oo waliba nin shacab ah ka ganacsado waa mamnuuc  horay bayna dowladu tigreeto uga soo saartay''Ayuu markale Yiri Taliye Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) .

Digniintani kasoo baxday Taliye Kuxigeenka Qaybta Gobolka Bari ayaa imaanaysa xili maalintii shalay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari lagu soo bandhigay laba wiil oo ku eedaysan in fal dil iyo Dhac ah ay ka gaysteen suuqa dahabka ee Bosaso .

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada