Daawo Video:- Saxaafadda Caalamka oo Soo bandhugtay Nin maseeroow ah uu saaxiibtiis ku xirey Surwaalkeeda quful!!(Warbixin)

Daawo Video:- Saxaafadda Caalamka oo Soo bandhugtay Nin maseeroow ah uu saaxiibtiis ku xirey Surwaalkeeda quful!!(Warbixin)

daajis.com:-Dhacdo yaab iyo amakaag leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalkaas Mexico ka dib markii nin maseeroow ah uu saaxiibtiis uu jeclaa uu ku xirey quful si aysan ula tuman nin kale ama aysan sameyn waxyaabo uusan jecleysan karin 


Ninkaan oo aan magaciisa la shaacin laakiinse lagu sheegay inuu yahay 40 sano jir ayaa waxaa la sheegay inuu saaxiibtiis oo uu jeclaa si uu uga hortago inay sameyso waxyaabo uusan raali ka ahayn ama uusan jecleysan karin ayuu waxaa uu quful ku dhajiyey gebi ahaanteeda sulwaalkii jiiniska ay qabtey, gabadhaan oo 25 sano jir ah ayaa waxay ku jirtay noloshaas cadaabta ah mudo sanooyin ah laakiin dhawaantaan markii ay u dulqaadan weysay arintaas saacado badan ka dib oo ay u baahatey inay nafisto laakiinse uu ku xiran yahay qufulkaas ayaa waxay iska xaadirisay saldhiga booliiska ayadoona dacweysay ninkaas saaxiibkeed taas oo ay booliisku ay soo qabteen oo ayna xabsiga dhigeen ninkaas saaxbkeed ahaa, Ninkaas ayaa waxaa uu halkaas ka qirtey inuu sameeyey falkaas iyadoona uu halkaas ku bixiyey furihii qufulkas ka dibna halkaas looga furey haweeneydaas qufulkii ku xirnaa. 

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas oo sheegtay inay sanooyin badan ay ku jirtay arintaas ay shaaca ka qaaday inay cabsi awgeed ay wax uga qaban waysay arintaas, haweeneydaas ayaa sheegtay inay run ahaantii ay jari karto surwaalkaas laakiin ay ku dhiiran weysay maadaama ay ka baqeyso ninkaas, arinta kale ee la yaabka leh ayaa waxay tahay in haweeneydaasi ay booliiska hortiisa ay ka cadaysay inaysan waxba u haysan ninkaas taas oo keentay in ninkaas laga sii daayo xabsigaa, Ninkaas ayaa waxaa uu halkaas ku balanqaaday inuusan mar dambe uusan sameyn doonin wax la mid ah arintaas, Laakiin balanqaadka ninkaas maseeroowga ah ayaan la ogeyn inuu yahay mid ka dhab ah iyo inuu kaga baxsanaayo booliiska iyo dacwadaas lagu soo oogay oo kalaiya. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada