Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalaya Shirka Midowga Afrika ee Adis Ababa ka furmaya.

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalaya Shirka Midowga Afrika ee Adis Ababa ka furmaya.

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay soo gaaray Addis Ababa si uu uga qebgalo shir aan caadi aheyn ee madaxweynayaasha midowga Afirka oo maanta oo Sabti ah uu ka furmayo magaalada Addia Ababa.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wahliya Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf H. Adam iyo Wasiirka Gaashandhiga Abdihakim Faqi iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo arrimaha Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ee ICC iyadoo lagu wado in waddamada Afrika ay mowqif adag ka qaataan maxkamada danbiyada caalamiga ah. Waxaana la filayaa in laga doodo oo ka dibna go’aan wadajir ah laga qaato arrinkan. Marwo Fowzia oo ka qeybgashay shirkii Wasiiradda xalay ayaa diiradda lagu saaray sidii ICC aysan u noqon laheyn maxkamad Afrika oo kaliya wax ka qabata. Oo Wasiiradu ay tilmaameen in caddaaladu ay noqoto mid loo wada siman yahay oo dhammaan dadka eedaha loo wada heysto ay intooda badan yihiin Afrikan oo weliba Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisaba ay dacwadoodu socoto.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmaya madaxda afrika oo uu kulammo gooni gooni ah la qaadan doonaa, waxaana uu kulanka ugu horreeya la leeyahay Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Gelle.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada