Daawo Sawirada:- Nin mudo 30 sano ah cunta ahaan u isticmaala saliida baaburta !!!!!

Daawo Sawirada:- Nin mudo 30 sano ah cunta ahaan u isticmaala saliida baaburta !!!!!

daajis.com:-Aduunyada subixii alla keena waxaad arkeeysaa ama aad maqleesaa wax kaa yaabiya , hadii aad maqashay dad cuno xeywaanada dilaayaasha ah ama cayayaanka duula , waxaa jira nin mudo 30 sano ah ku nool saliida lagu shuba baabuurta.

Mohamed Bin Omar oo heeysta dhalashada wadanka Yeman ayaa mudo 30 sano ah cuna ahaa u isticmaala saliida lagu shuba baabuubrata (Bansiin iyo naftada cad) ,waxaana ninkaan uu sheegay mudadii uu ku quudanaayay saliida lagu shuba baabuurta uu san dareemin wax cudur ah ama dhibaata soo gaarta caafimaadkiisa.

Bin Omar ayaa sheegay in uu ka shaqeeya xarun shidaal oo ku taala wadanka sucuudi carabiya gaar ahaan magaalada Jidah , waxaa uuna sheegay in saliida uu cabo xiliga quraacda iyo cashada , isagoo intaa raaciyay in halki waqti uu cabo hal liitar iyo bar oo saliida baabuurta ah.

Ninkaani Yemaniga ah ayaa sheegay in uu laqabsaday cabida saliida baabuurta , waxa uuna sheegay in aad ukala yaqaana saliida baabuurta oo dhadhamiska ku kala aqoonsanaayo in ay tahay saliid wanaagsan iyo inkale , isagoo intaa ku daray in uu cabo saliida qafiifta ah ee lagu sameeyo sucuudiga.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada