“Waxaan Ahay Ingariis!” – Waa Wixii Uu Yiri Rooney Markii La Weydiistay Inuu U Ciyaaro Scotland.

“Waxaan Ahay Ingariis!” – Waa Wixii Uu Yiri Rooney Markii La Weydiistay Inuu U Ciyaaro Scotland.

daajis.com:-Iyadoo haatan ay socotay dooda kululaatay ee ku aadan haddii da’ yarka Man United Adnan Januzaj uu maalin uun u ciyaari karo England, tababarihii hore ee Scotland Berti Vogts ayaa shaaca ka qaaday haatan inuu weydiistay Rooney oo da’ yar inuu u ciyaaro Scotland.

Vogts, oo macalin ka ahaa Scotland intii u dhaxeysay 2002 iyo 2004 ayaa sheegay in lagu wargeliyay markaas in Rooney uu u ciyaari karo Scotland madaama qeyb ka mid ah qoyskiisa ay halkaas ka soo jeedaan.
Tababaraha Jarmalka ayaana markaasi ka dib la kulmay Rooney oo xilligaas 16 sanno jir ahaa islamarkaana u ciyaarayay Everton, laakiin waxa uu la kulmay diidmo qayaxan.
“Waxaan la hadlay Wayne Rooney madaama ay ayeeyadiis aheyd Scottish” ayuu yiri Vogts.
“Xiriirka kubada cagta Scotland ayaa ogaaday inay ayeeyadiis u dhalatay Scotland. Waxaan ka duulay Glasgow waxaana tagay Everton. Waxa uu ka hoos ciyaarayay David Moyes oo markaas Everton joogay, waxaana la hadlay isaga oo markaas ahaa 16 sanno jir. Waxaan ku iri isaga ‘Waxaad u ciyaari kartaa Scotland.”
“Waa inaad la hadasho ciyaaryahanka laakiin waxa uu igu yiri “Waan ka xumahay tababare, waxaan ahay Ingariis!”
Rooney ayaana kulankiisii ugu horeysay u saftay England bishii Febraayo 2003 isagoo markaas jiray da’da 17 sanno, waxaana haatan loo texgeliyaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican dunida.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada