Al-Shabaab oo cunaqabateyn kusoo rogtay maamulka Axmad Madoobe iyo ciidamada Kenya

Al-Shabaab oo cunaqabateyn kusoo rogtay maamulka Axmad Madoobe iyo ciidamada Kenya

daajis.com:-Amar kasoo baxay Dhaqdhaqaaqa Ururka Al-Shabaab ayaa lagu mamnuucay dhuxusha laga dhoofiyo dekadda Kismaayo, iyadoo ganacsatada dhuxusha looga digay ineysan ka dhoofin karin dekadda Kismaayo wax dhuxul ah.

Amarkan oo si toos ah ay Al-Shabaab u gaarsiisay Ganacsatada dhoofisa dhuxusha ayaa ah mid ay xayiraad ku saarayaan maamulka Axmad Madoobe iyo ciidamada Kenya oo dhaqaale fara badan bilihii u danbeeyay kasoo galayay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa kulamo la qaadatay qaar ka tirsan Ganacsatada Dhuxusha, waxayna warbaahinta u sheegeen ganacsatadaasi la kulmay xubnaha Shabaab in lagu wargeliyay in aaneyn dhuxul danbe ka dhoofin karin dekadda Kismaayo.

Al-Shabaab waxay ugu digtay Ganacsatada jarista dhirta, iyadoo gaadiidkii lagu arko inuu dhuxul sida ay gubi doonaan.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid durba dhaqan gashay, inkastoo xiligan lagu guda jiro xiliga bad xerinka oo dhaqdhaqaaqa doomaha iyo marakaiibta ay hoos dhacday.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horay ugu eedeysay Maamulka Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya inay ku howlan yihiin dhoofinta dhuxusha oo horay u mamnuucday Golaha Ammaanka.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa xiligii ay gacanta ku hayeen magaalada Kismaayo waxaa dekadda kasoo geli jiray dhaqaale fara badan oo dhuxusha kasoo xarooda.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada