Daawo Video :- Soomaalida Muqayiliinta ah ee ku Nool Dalka Australia oo Jaadka Loo Qaado Isbaaro loo dhigtay!!+Warbixin

Daawo Video :- Soomaalida Muqayiliinta ah ee ku Nool Dalka Australia oo Jaadka Loo Qaado Isbaaro loo dhigtay!!+Warbixin

daajis.com:-Eeyaha ka howlgala xarunta lagu qeybiyo waraaqaha iyo baakadaha boostada ee loo diro magaalada Sydney ee dalkaas Australia ayaa waxaa la sheegay inay qabteen oo ay gacanta ku dhigeen kartoon qaad ah oo loo direy dalkaas. 



Eeyaha u tababaran inay uriyaan waxyaabaha muqaadaraadka ah ee ka howlgala xarunta boostada ee magaalada Sydney ee dalkaas Australia ayaa waxaa la sheegay inay ka dhex qabteen boostada magaalada Sydney kartoon ay ku jireen qaad oo laga soo direy dalkaas Ingiriiska kuna socday magaalada Sydney. eeygaan oo ururiyey kartoonkaas uu ku jirey qaadkaas ayaa shaqaalaha ka shaqeeya boostada waxay baareen kartoonkaas ka dib markii uu eeygu shaki ka muujiyey iyadoona ay shaqaaluhu intaas ka dib ay fureen kartoonkaas ka dibna ay halkaas ku arkeen qaadkaas halkaasna ay ku qabteen. 

Ugu dambeyntiina iyadoo markii ay shaqaalaha boostada ee magaalada Sydney oo u muuqdey inaysan wax aqoon ah u sidaas u badan aysan u lahayn qaadkaas ayaa waxay ka baareen qaadkaas inuu ku jiro waxyaabo cayayaan ah oo dalkaas ku cusub oo dhibaatana u keeni kara dalkaas iyagoona ka helay Kaneeco ay ku sheegeen inuu yahay mid qatar ku ah dalkaas oo dhibaato baaxad weyn u keeni kara shacabka dalkaas iyadoona intaas ka dib la burburiyey kartoonkaas qaadka ah laguna daray qashinka, Qaadkaas oo la garan waayey cida uu ku socday maadaama uu adresska ku qornaa uu u muuqday mid la isdaba mariyey oo qaldanaa ayaa waxaa adereskaas la galiyey kombiyuutarka si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada