Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn oo Soo Waajahday Ciidamada amaanka ee Dalka Kenya!!(Daawo Muuqaal Ahaan Cebta Soo Waajahdat)

Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn oo Soo Waajahday Ciidamada amaanka ee Dalka Kenya!!(Daawo Muuqaal Ahaan Cebta Soo Waajahdat)

daajis.com:-Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday ciidamada amaanka ee dalka Kenya ka dib markii ay ciidamadaas ay dhac iyo bililiqo baaxad weyn ay ka geysteen xarunta ganacsiga Westgate ee ay kula dagaalmayeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka u geysatey xaruntaas. 


Ciidamada dalka Kenya ee ka qeyb qaatey dagaalkii lagula jirey malleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa waxaa la sheegay inay halkaas ay ka geysteen dhac iyo bililiqo xoogan oo ay kla ka kaceen hantidii taalay xaruntaas ganacsiga, qaar badan oo ka mid ahaa milkiilayaasha ku lahaa goobo ganacsi xaruntaas oo booqday goobahodii ganacsi si ay u soo qaataan wixii u badbaaday ayaa waxay ku noqotey yaab iyo amakaag waxa ay kala kulmeen goobtaas iyadoona ay ka muuqatey in dukaamadooda iyo xarumaha ganacsi ee kale loo geystay bililiqo baahsan oo aan waxba lagu reebin, ganacsatada qaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inuu ka muuqday goobtooda ganacsi in la daadgureystay islamarkaana la jabssaday qaar ka mid ah qasnadihii yaalay xaruntaas, Sidoo kale ayaa waxay tahay arinta la yaabka leh in goobahaas lagu arkayey dhalooyin badan oo laga cabay qamri noocyadiisa kala duwan. mid ka mid ahayd haweenka ku leh goobaha lagu qurxiyo dumarka ayaa waxay sheegtay in la qaatey dhamaan wixii burukooyin ama timaha beenbeenta ah ee yaalay goobteedaas qurxinta dumarka 

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid hsabar jab iyo sumcad xumo ku ah dowlada dalka Kenya maadaama ay indhaha caalamku saaran yihiin waxa ka soo baxa ama ka soo yeero xaruntaas ganacsiga Westgate islamarkaana ay dalalka aduunka ay yaab ku noqotey in heyadihii amaanka ee u soo gurmaday dadkii la weeraray ay ayaguna dhac iyo bililiqo u geystaan hantidii dadka shacabka ayaa wararku waxay sheegayaan in ilaa iyo hada loo qabtey falkaas 3 qofood oo aan la shaacin inay ka mid yihiin ciidamada amaanka ee dalkaas Kenya iyo in kale 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada